Shaqaalaha Midnimo Microfinance waxay ka qaybgaleen soo bandhigidda warbixin maalgashi oo diiradda saartay warshadaha iyo wax-soo-saarka Soomaaliya.
15 Luulyo 2026, shaqaalaha Midnimo Microfinance waxay ka qaybgaleen soo bandhigidda iyo doodda Warbixinta Maalgashiga Qaybaha Mudnaanta Leh, gaar ahaan warshadaha iyo wax-soo-saarka Soomaaliya.
Wakiillada dowladda, ganacsatada, maalgashadeyaasha, khubarada iyo wada-hawlgalayaasha horumarinta ayaa ka wada hadlay wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka iyo maalgashiga.
Kulanku wuxuu Midnimo Microfinance u ahaa fursad aqoon iyo xiriir lala yeesho hay’adaha taageera horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.



